4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqay xiliga la qaban karo doorashada madaxtooyada
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in anay suuragal ahayn in doorashada madaxtooyadu qabsoonto sannadkan guddihiisa.

Guddida ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in doorashada madaxtooyadu aanay qabsoomi karin dhaqaale ahaan, iyo farsamo ahaanba, isla markaana ay u baahan yihiin 9 billood oo ka bilaabma bisha October si ay ugu diyaar garoobaan qabashada doorashada.

"Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, waxay farsamo ahaan ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st  October 2022".

Waxay guddidu sheegtay in mudada 9-ka billood ah ay ku diyaarin doonaan, dhaqaalihii iyo farsamadii doorashada lagu gali lahaa, oo ka mid tahay diwaangalinta codbixiyayaashu.

Guddida doorashooyinka ayaa ah hay'adda awooda kowaad u leh in ay iclaamiso xiliga ay doorashooyinku qabsoomayaan, madaama ay masuuliyada qabsoomida doorashadu iyaga saarantahay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]