4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
Khilaaf sababay in uu furmiwaayo kal-fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa furmi waayay kadib markii xildhibaannada mucaaradka iyo muxaafadku ay isku qabteen sharcinimada habkii loo ansixiyay wax ka badalka lagu sameeyay xeerarka doorashooyinka.

Xildhibaannada taageersan furista urrurada siyaasada, ayaa diiday in ay galaan aqalka wakiilada, kadib markii ay sharci daro ku tilmaameen habkii ay xildhibaannada mucaaradku ku ansixiyeen xeerarkan oo ogolaanaya in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada.

Hadaba, xildhibaannada labada dhinac oo hor tuban xarunta golaha, ayaa qaar kood isku gacan qaadeen, inkasta oo aan la ogayn hadii uu jiro khasaare ka dhashay isku dhaca xildhibaannada.

Xildhibaannada taabacsan furista urrurada siyaasada oo isku jira mudanayaal ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo qaar kasoo baxay xisbiyada mucaaradka lakiin muxaafadka la mabda'a ah, ayaa diidan in xeerka wax ka badalka lagu sameeyay golaha guurtida la hor geeyo.

Xeerarkan oo uu goluhu wax ka badal ku sameeyay 20 bishan, ayay mudanayaasha kasoo horjeeda sheegeen in anay buuxin tirradii uu sharcigu sheegayay markii xeerarka la meel mariyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]