4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
Shirweyne lagaga tashan lahaa xaaladda guud ee dowlad degaanka Soomaalida oo dib loo dhigay
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirweynihii wada tashiga ee lagu ballansanaa inuu degaanka ka furmo maanta oo Sabti ah.

Shirweynahaan ayaa ahaa mid looga aarinsan lahaa xaaladda dowlad degaanka Soomaalida, iyo si guud masiirka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba sababta dib loogu dhigay shirweynahan ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan cabashooyin kala duwan oo ka yimid dhinaca Axsaabta Siyaasadda iyo Qurbajoogtii ka qayb gali lahayd shirweynahan.

Dr Maxamed Gaani waa madaxa guddiga qabanqaabada Shirkan, waxa uuna Warbaahinta uga waramay waxyaabaha keenay in dib u dhac uu ku yimaaddo shirweynahan, isagoo dib u dhacaas u sababeeyay qodobo dhawr ah.

" Sababa dib loogu dhigay shirkan waxaa kamid ah, Ergooyin Qurbaha ka imaanayay oo mudadii shirka cidhiidhi ku noqotey, Cabashooyin ka imaanayay Ergooyinka shirka oo iyagana in la xaliyo u baahday, iyo howlo la xiriira dhinaca farsamada qaabka uu shirweynuhu u dhacayo oo u baahday in la gabogabeeyo", ayuu yiri Dr Maxamed Gaani oo madax u ah guddida qabanqaabada Shirweynahan.

Dib u dhacan ku yimid shirweynahan ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmo ka hor qaar kamid ah Xisbiyada mucaaradka ah ee degaanka Soomaalidu, ku gacanseyreen ka qayb galidda shirweynahan iyagoo saluugey qaabka loo soo agaasimay shirweynaha.

Shirweynahan ayaa sida ay sheegeen guddida qabanqaabadu, waxaa dib loogu dhigay muddo afar toddobaad kaddib ah oo ku beegan 22 iyo 23 bisha soo socota ee Oktoober 2022.