4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2022
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Hay'addaha Caalamiga ka dalbatay in gurmad deg deg ah laga sameeyo deegaanadii laga saaray Al-shabaab
 

Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir ugu soo gabagaboobay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hay'addaha deeq bixiyayaasha taageera Adeegyada Caafimaad dalka Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adda Caafimaadka Aduunka.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay ku kala war qaadanayeen Waaaaradda Caafimaad Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adda Caafimaadka Aduunka oo muddo laba todobaad ah Soomaaliya u soo joogay kormeer la xariira guulaha laga gaaray nidaamka Caafimaadka dalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo midayn lahaa dadaalada ay wado Wasaaraadda Caafimaadka Soomaaliya iyo taageerada Beesha Caalamka ee ku aadan nidaamka Caafimaadka dalka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo ahaa shir guddoonka kulanka Maanta soo gabagaboobay ayaa hay'adaha ku adkeeyay iney ku shaqeeyaan siyaasadaha Caafimaadka ee u dagan dalka, islamarkaana hay'addaha ay gurmad balaaran oo dhanka Caafimaadka ah ay u sameyaan dadka Soomaaliyeed ee la daala dhacaya abaaraha iyo colaadaha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Gabagabadii kulanka waxaa la isku raacay in si wada jir ah looga shaqeeyo gurmadka deg dega ah ee loo fidinayo dadka ku nool deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab iyo kuwa ay saameysey Abaarta daba dheeraatay ee saameysay dadka ku nool inta badan gobolada dalka.