4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo kaabiga ku haaya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan
 

Khamiis, September, 22, 2022 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya degmooyinka Maxaas iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dib u xoreynta deegaanka iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka kala ruqaan sadeen degmooyinka Maxaas iyo Buulaburte, islamarkaana ay ku wahajan yihiin degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah oo ku dhaqan deegaanada u dhaxeya Moqokori iyo Buulaburte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamo aad u fara badan ay goordhaw u dhaafeen dhinaca degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa la baxay dib u xoreynta deegaanka ay maalmahii lasoo dhaafay ka wadeen gobolka Hiiraan howlgalo xoogan oo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Qof goobjooge ah oo ku sugan degmada Moqokori oo la hadlay Shabakada HOL oo naga codsaday inaan magaciisa adeegsan sababo la xariira amaankiisa ayaa inoo sheegay in haatan Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanka ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay uga baxayaan magaalada, maadama ciidamada is garabsanaya la sheegay in laba jiho ay kaga soo wajahan yihiin degmada Moqokori, islamarkaama cabsi badan dadka ka qabaan in lagu kor dagaalamo.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa sii xoogeysanayay dagaalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, kaasoo dagaalamayaasha Shabaab looga saarayay inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolka Hiiraan.