4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay 27 kartirsan kooxda Alshabaab
 

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay meel ku dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, 18-kii Sebtembar ee todobaadkaan.

War qoraal oo maanta kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqayntan lagu dilay 27 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Marayanka wuxuu sheegay inuu duqayntaan ku taageerayay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo dagaal kula jira dagaalamaayasha Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay duqayntan inay tahay mid ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ka caawinaysa inay dagaalka horey usii wadaan.

Ma jiraan wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray howlgalkan sida uu sheegay AFRICOM.