4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu billaabanayo howlgal kale oo Shabaab looga xoraynayo Koonfur Galbeed
 

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay isku diyaarinayso waji kale oo dagaal oo Alshabaab looga xoraynayo gobolka Shabeellada hoose iyo guud ahaan koonfur Galbeed.

Wasiirka gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka, sarreeye guud, Odawaa Yuusugf Raage ayaa kormeeray xerada Bali-doogle, halkaas oo ciidamada xoogga dalka loogu diyaarinayo howgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Wasiirka iyo taliyaha ciiddanka milatariga ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku baraarujiyay inay naftooda u huraan sidii Alshabaab looga saari lahaa dalka. Waxay sheegeen inuu howgalkaan soconayo illaa inta Alshabaab laga sifaynayo meel kasta oo ay joogaan sida ay sheegeen.

Diyaar garowgan ayaa kusoo aaday, maalin kadib markii golaha dhaqanka Koonfur Galbeed ay soo saareen bayaan ay ku taageerayaan howlgallada amni ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur galbeed oo iskaashanaya.

Ciidamada xoogga dalka iyo ciidanka Macaawisleyda ayaa haatan howgallo culus oo Alshabaab looga xorreeyay deegaano ka badan ka wada gobolka Hiiraan.