4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2022
Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed oo si buuxda u taageeray howlaha amni ee dalka ka socda

Arbaco, September, 21, 2022 (HOL) - Golaha odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku baaqeen in maamulka koonfur Galbeed iyo dowladda federalka lagala shaqeeyo arrimaha amniga iyo wax ka qabashada abaaraha.

Golaha dhaqanka Koonfur Galbeed waxay sidoo kale ku baaqeen in dib u heshiisiin waarta loo sameeyo bulshada kuwada nool deegaannada koonfur Galbeed.

Bayaankooda ayaa kusoo beegmay xilli qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay dagaal kula jiraan Alshabaab.

Inkastoo bayaanka kasoo baxay golaha dhaqanka Koonfur Galbeed aan lagu xusin taageerada dagaalka Alshabaab, haddana nuxurka shir uga socday magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu ahaa sidii loo taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah  Alshabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee shacabkiisu isku abaabuleen inay la dagaalamaan Alshabaab, iyagoo ku guulaystay inay xoreeyaan deegaanno badan.