4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Muno Axlaa: Waxaan dacwad ka gudbiyay isbitaalka Yardemeli si aan caddaalad u helo
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Muna Xasan oo loo yaqaano Muno Axlaa, oo ah gabadh dhalliyaro ah oo arrimaha bulshada u dhaqdhaaqi jirtay, taasoo hadda dhibbane u ah waxyeello kasoo gaartay qalliin lagu sameeyay, ayaa dacwad ka gudbisay isbitaalka Yardemeli.

Muno oo hadda ku jirta isbitaalka Digfeer si ay ugasoo kabato dhibaatadii kasoo gaartay qalliin looga sameeyay calashooda, ayaa doonaysa in caddaaladda la horkeeno dhaqaatiir ajnebi ah oo ay ku eedeysay inay ku sameeyeen qalliin qaldan oo ay ku weyday xubno jirkeeda kamid ah.

"Dhibka aniga i gaaray wuxuu cashar u yahay, dad badan oo aan hadli karin, oo aan loo hadli karin, oo isbitaalada ku dhibaataysan, ama lagu dhibaateeyo. Qaddar ayaa ii geysay," ayay tidhi, Muno Axlaa oo saxaafadda kula hadlaysay iyadoo saaran sariirta bukaan jiifka.

Muno Axlaa waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay masuuliyad iska saarto sidii ay caddalaad ku heli lahayd. Waxay sheegtay inay qabsatay abuukaate u doodda.  

Soomaaliya, dad aan lagu sameyn tiro-koob ayaa sannad walba u geeriyooda dhibaatooyin caafimaad darro oo kasoo gaara adeegyada ay bixiyaan isbitaalada waawayn ee Muqdisho.