4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 2 , 2022
Dowladda federalka iyo Dowlad goboleedyad oo ku heshiiyay tallaabooyin wax looga qabanayo arrimaha deegaanka
 

Jimco, September, 2, 2022 (HOL) - Wasaaradaha deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay xoojinta ka wada shaqeynta arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Diyaarinta guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya isku xirka wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, Qabashada kulamo joogto ah si loo adkeeyo xiriirka iskaashi iyo kan howled ee Wasaaradaha, Mideynta qorsheyaasha iyo istraatiijiyaddaha ee Wasaaradaha si loo gaaro yool mideysan oo wax ku ool ah, ayaa kamid ah qodobada la isku afgartay.

Waxaa kaloo la isku raacay in wasaaradda Deegaanka kormeerto goobaha ay saameeyeen burburka deegaanka iyo Nabaad Guurka ee dalka, Baahinta Barnaamijyada wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada dhamaan dalka iyadoo loo marayo  wasaaradaha deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee Dowlada Goboleedyada.

In la wadaago xogaha muhiim ka ah ee la xiriira arrimaha Deegaanka iyo Isbeddleka Cimilada, sameynta guddi wadajir ah oo la xiriira waxkaqabashada arrimaha degdega ah, fulinta barnaamijyo wacyigelin la xariira deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada heer gobol iyo heer qaran, mideeynta magacyada Wasaaradaha deegaanka heer Federaal iyo heer Dowlada goboleed, ayaa sidoo kale kamid ahaa waxyaabihii hoosta laga xariiqay.

Wasaaradaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed, waxay daaq udireen beesha caalamka iyo deeq Bixiyaasha in ay Soomaaliya ka taageeraan wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka.