4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2022
Eritriya oo Ciidamadeeda keydka ah howlgalinaysa, si ay uga qeybqaataan dagaalka ka dhanka ah TPLF
 

Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Eritariya ayaa sheegaya in dowladda Eritariya ay u yeedhay ciidankeedii keydka ahaa ee da’doodu ka yar tahay 55 jir, si ay uga qayb galaan dagaalka ay Eritariya kula jirto kooxda TPLF, waxayna dowladda Eritariya ku amartay ciidamadaas keydka ahaa inay soo qaataan bustayaashooda iyo agabkii ay biyaha ku cabbayeen, iskana soo xaadiriyaan xeryaha ciidanka ee u dhaw.

Sidoo kale wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Khamiistii aynu soo dhaafnay ciiddan badan ay caasimada dalkaas ee Asmara iskugu yimaadeen, si loogu qaado dhanka gobalada xuduuda ay Eritariya la wadaagto dalka Itoobiya ee ay dagaalladu ka socdaan.

Geesta kale ciidamada amniga ee Eritariya ayaa raaf ka wada magaalooyinka waawayn ee dalkaasi, iyagoo dadka ku joojinaya waddooyinka, si ay u hubiyaan cidda dagaalka gali karta iyo cidda aan gali karin.

Caasimadda dalka Eritariya ee Asmara ayaa lagu arkayay Hooyooyin iyo caruur yaryar oo la ilmaynaya dadkooda sida qasabka ah loogu daray ciidamada ee loo qaadayo goobaha uu ka socdo dagaalka aan dhammaadka lahayn ee Eritariya kula jirto kooxda TPLF.

Dowladda Eritariya ayaa lagu eedeeyaa inay dadka qasab ciidan kaga dhigto, iyadoo ardaygu markuu waxbarashada dhammaysto ama heer ka gaadho dib loogu celiyo xeryaha ciidanka, sidaana uu ciidamada kaga mid noqdo, iyadoo howlgalladan cusub ee ay billowday dowladda Eritariya laga cabsi qabo inay sii dheereeyaan colaadda ka aloosan waqooyiga dalka Itoobiya ee dagaalka lagula jiro TPLF.

Eritariya ayaa kusoo biirtay dagaalka ay Itoobiya kula jirto kooxda TPLF billowgii dagaalka, iyadoo la sheegay in ciidamada Militariga Eritariya ay dagaalka dhankooda kasoo galeen si ay u wiiqaan awoodda kooxda TPLF, iyadoo Ciidamada Eritariya lagu eedeeyo inay xasuuqyo ba'an ka gaysatay gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan.

TPLF ayaa Eritariya ku eedeysay inay qeyb ka yihiin dagaalka ka soconaya xadka gobolka Tigray uula wadaago dalka Eritariya, halka Mas'uuliyiinta dalka Eritariyana ay kooxda TPLF ku eedeeyeen in TPLF ay rabto inay weerar kusoo qaado dalka Eritariya.

Eritariya ayaa dagaal la gashay dalka Itoobiya oo ay maamulayeen kooxda TPLF sannadkii 1993dii, xilligaas oo ahayd markii ay Eritariya madax banaanideeda ka qaadanaysay Itoobiya.

Mar kale sannadkii 1998dii ilaa 2000 waxaa dagaal kale uu ka dhex qarxay Eritariya iyo Itoobiya, dagaalkaas oo ahaa mid dhiig badan ku daateen waxay labada dal isku hayeen dhulka xuduudda ah ee labada dal u dhaxeeya.

Colaaddi labada dal u dhaxeysay oo gaaraysay ilaa 20 sano waxay soo afjarantay sannadkii 2018 oo ahayd markii Abiyi Axmed la wareegay talada dalka Itoobiya, xilligaa oo Abiyi Axmed heshiis la saxiixday dalka Eritariya.

Itoobiya oo gacan ka helaysa dalka Eritariya ayaa wixii intaa ka dambeeyay dagaal adag la gashay kooxda TPLF oo ay u cuntami wayday siday wax u socdaan, dagaalkaas oo yarehe istaagay muddo 5 bilood ah ayaa mar kale dib u qarxay bishii aynu soo dhaafnay ee Agoosto, iyadoo wali ay Eritariya gacanta kula jirto dagaalka, lamana oga waxa uu ku dambayn doono dagaalkan oo hadda si hor leh ay ugu xamaan urursanayso Eritariya.