4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2022
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho
 

Isniin, September, 12, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, kaasoo uu shir guddoominaayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan galabta Muqdisho ugu soo gabagaboobay Madaxda Wadatashiga Qaran waxaa goobjoog ahaa oo ka  qeyb galay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyadoo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu kaga qeyb galay shirka Aaladda Foggaan arraga ee ZOOM.

Shirkaan ayaa noqonaya kii labaad ay isugu yimaadaan Golaha Wadatashiga Qaranka tan iyo markii Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud 15-kii May ee sanadkan 2022.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shirkooda qaatay mudada labada maalmood ayaa galabta kasoo saaray war murtiyeed ka kooban 7 qodob oo aad xasaasi u ah oo ay isku raaceen madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo dhameystiran:-