Sri Lanka oo xirtay Soomaali iyo Iraaniyiin lagu eedeeyay inay ku dhoofi rabeen baasabooro been abuur ah

 

Isniin, September, 12, 2022 (HOL) - Muwaadiniin u dhashay waddamada Iran iyo Soomaaliya oo isku dayay in ay dalka Sri Lanka kaga dhoofaan baasabooro been abuur ah ayaa lagu xiray dalkaas.

newsinsideSaraakiisha socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Bandaranaike, ayaa u xiray labadan muwaadin, iyagoo doonayay inay ka dhoofaan dalkaas si ay u aadaan Faransiiska iyo Koonfur Afrika.

Saraakiisha laanta socdaalka ayaa baaritaan ku sameeyay baasaboorkooda, kadib markii ay uga shakiyeen inuu yahay mid been abuur ah, waxaana markii dambe la xiray labada eedaysane.

Eedeysanayaasha ayaa loo gudbiyay Waaxda Dembi-baarista, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.