Isniin, September, 12, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xalay kooxda Alshabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed dowladda kasoo baxay.
newsinsideDeegaanada laga saaray Alshabaab waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, waxayna dowladdu sheegtay inuu jiro khasaare xooggan oo ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay gaarsiiyeen Alshabaab.
Dowladdu waxay sheegtay in deegaanada laga saaray Alshabaab ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee la daala dhacaya abaarta baahsan ee ka jirta dalka.
Waxay sheegtay guushaan in ay timid markii bulshada deegaanka ay kaceen isla markaana ay ku dhiiradeen in ay ka hortagaan Alshabaab.