4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2022
Ku dhawaad shan qof oo ku geeriyooday qarax loo maleynayo ismiidaamin oo ka dhacay tuulada Milxo ee gobolka Sanaag
 

Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Ku dhawaad shan qof ayaa ku geeriyooday, tiro ka badana way ku dhaawacmeen qarax loo maleynayo inuu yahay ismiidaamin oo ka dhacay deegaanka Milxo oo hoos taga degmada Laasqorey ee Sanaag.

Weerarkan ayaa galabta casir gaabkii lala eegtay dad shacab ah oo ku sugnaa meel maqaaxi ah oo lagu shaaho, waxaana loo maleynayaa inay ka dambeeyaan ururka Alshabaab, oo halkaas meelo aan ka fogayn ka howlgala.

Lama oga sababta weerarkan loola beegsaday deegaanka Milxo, hase ahaatee warar aan helnay waxay sheegayaan in dhawaanahan uu jiray dhaqdhaqaaqyada ciidamo deegaanka ah oo ka horyimid lacago canshuur ah oo Shabaabku ka qaadi jireen dadka deegaanka Milxo.

Deegaanka Milxo waa dhul laga baarto macdanta, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay iska- horimaadyo u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamo Macaaawisley ah oo aan cidna hoos tagin.

Deegaankan ayaa katirsan Puntland inkastoo uu maamulka uusan wax xarumo dowladdeed ah ku lahayn. Sidoo kal Somaliland ayaa sheegata.