4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2022
Golaha Wada-tashiga Qaran oo baaq u diray Somaliland

Isniin, October, 31, 2022 (HOL) - Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa shacabka iyo xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay ilaashadaan amniga iyo xasiloonida.

War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Wada-tashiga Qaran oo warbaahinta loo akhriyay, ayaa bogaadiyay dhaqanka, dimuquraadiyada iyo daganaanshaha ay Somaliland kusoo caano maashay, waxuuna usoo jeediyay in reer Somaliland ilaashadaan.

"Goluhu wuxuu bogaadinaya dhaqanka, daganaanshiyaha iyo dimuquraadiyada ay  Somaliland kusoo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa in ay ilaashadaan xasiloonidooda iyo nabada" Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa'uud Aways, ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Baaqa Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa yimid xili khilaaf ka dhextaaganyahay xukuumada iyo axsaabta mucaaradka Somaliland oo isku marila xiliga la qabanayo doorashada madaxtooyada Somaliland, iyo ta soo horaynaysa doorashooyinka urrurada iyo madaxtooyada.

Mucaaradka ayaa aaminsan in doorashada madaxtooyadu soo horayso, halka xukuumada Somaliland diyaar garow ugu jirta qabashada doorashada urrurada siyaasada, waxayna sheegtay in doorashada madaxtooyadu dhici doonto kadib doorashada urrurada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]