4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2022
Maraykanka iyo Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareeyay qaraxyadii Soobbe
 

Isniin, October, 31, 2022 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa cambaareeyay qaraxyadii Soobbe, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha guud wuxuu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Soomaaliya, si looga hortago xagjirnimada rabshadaha wata. Wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa dhankiisa si kulul u cambaareeyay qaraxyada ka dhacay Soobbe oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay in ka badan 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan dadkii eheladooda ku waayey ama ku dhaawacmay weerarradaas aan laga fiirsan ee loo geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay aqalka cad Maraykanka.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in weli ku adkeysaneyso in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taageerto dagaalka ay kaga hortagayso falalka argagaxiso ee Alshabaab.

Baaqa cambaareynta ah ee kasoo kala baxay QM iyo Maraykanka ayaa imaanaya xilli maalintii uu sii kordhayo khasaaraha ka dhashay labo qarax oo ka dhacay aagga Soobbe.

Weli dad shacab ah ayaa lagu la' yahay nolol ama geeri. sidoo kale dad hor leh ayaa la xaqiijinayaa geeridooda kuwaas oo lala'aa qaraxyada kadib.