4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo guddi qaran u magacaabay gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobbe
 

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi toban xubnood ka kooban oo kashaqeyn doona  gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii Soobbe.

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran, hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxyada, fidinta caawimaad deg deg ah  dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada, diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay, isku xirka iyo howlaha gurmadka, iyo xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka.

Magacaabidda guddigan ayaa kusoo aaday iyadoo dowladda Soomaaliya lagu dhalliilayay inay ka gaabisay ka jawaabidda gurmadka dadka dhibbanayaasha, iyo inay wax sahlan ka dhigtay khasaaraha ka dhashay qaraxyada.

24 saac kadib dowladdu weli gurmad la taaban karo ma samaynin. Khasaaruhu waa sii kordhayaa. Dad badan ayaa weli lagu la la'yahay nolol iyo geeri, halka isbitaaladii gaarka ahaana ay lacago dul dhigeen dadka dhiiggooda ku tabarucayay.

Guddiga la magacaabay.

1. Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka caafimaadka                     Guddoomiye
2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali              Wasiirka Amniga Gudaha                      Xubin   
3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir  Wasiirka Waxbarashada                       Xubin
4. Daa’uud Aweys Jaamac.               Wasiirka Warfaafinta                             Xubin
5. Khadiijo Maxamed Diiriye              Wasiirka Haweenka                Xubin
6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada  Xubin
7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW                             Xubin
8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir   Xubin
9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA                Xubin
10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha  NEOC                             Xogheyn