4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Dowladda Soomaaliya oo fartay isbitaalada Muqdisho inay dadka u fududeeyaan adeegyada dhiig shubidda

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa fartay dhamaan Isbitaalada Muqdisho in Shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqaya dadkii dhibaatada kasoo gaartay qaraxyadii Soobe, ay u fududeeyaan adeegga dhiigaga bixinta.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale ku adkaysay Isbitaalada inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay.

Hadalka wasaraadda caafimaadka ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah isbitaalada gaarka loo leeyahay ay lacago ka qaadayeen dadka doonaya inay dhiiggooda ugu tabarucaan dadka dhaawaca ah.

Arrintaan ayaa si weyn u qabsatay baraha internetka kadib markii dhallinyaro isbitaalada tagay laga qaaday lacag $29 oo lagu sheegay adeegga dhiig shubida.

Waxaa arrintaan aad u cambaareeyay masuuliyiin dowladda katirsan iyo dadka shacabka ah, kuwaas oo nasiib darro weyn ku tilmaamay in isbitaalada Muqdisho ay ka macaashayaan dhiigga loo shubayo dadka dhibaatadu soo gaartay.

Dad badan oo qorsheynayay inay dhiig shubaan oo aan qarash haysan ayay samayn ku yeelatay arrintaan, inkastoo isbitaalada dowladda sida Demartini, Benadir, Madiino iyo Ex-Digfeer ay sheegeen in iyagu lacag la`aan laga shubayo dhiigga.

Baahida dhiigga ayaa xilligan ah waxa ugu badan ee looga baahan yahay isbitaalada Muqdisho, halkaas oo la dhigay boqolaal qof oo ku dhaawacmay qaraxyadii Alshabaab ay ku geysteen Soobe.