4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo si buuxda ula wareegay Masaajid Cali Gaduud

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka saareen Masaajid Cali gaduud, inkastoo warar kale ay sheegayaan inay Alshabaab shalay ka baxeen deegaankaas.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah Alshabaab. wuxuuna si gaar ah ugu ahaa ilo dhaqaale oo ay ku uruursadaan xoolaha ay ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay dowladdu sheegtay.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in xoraynta deegaankaan ay Alshabaab uga dileen in ka badan 100 dagaalame oo ay ku jiraan horjoogayaal sare sare.

Sabtidii hore ayay ahayd markii shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaan kadib markii dagaal rogaal celis ah oo ay kusoo qaadeen.