4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in dadka qaba dhaawacyada culus loo qaadayo Dibadda
 

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa booqdey qaar ka mid ah Isbitaaladii la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Shalay ka dhacay Isgoyska Soobe gaar ahaan afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir Cali Xaaji oo si gaar ah u dul tagay dadka dhaawacyada qaba ee la dhigay Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ayaa maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaaladaas ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada, isagoona maamulada Isbitaalada gaarka loo leeyahay qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.

Wuxuu ka dalbaday maamulka iyo dhaqaatiirta in dhaawacyada ay helaan adeegyo Caafimaad oo dhameystiran, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada qaar kood oo uu Alle ugu baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonto in dadka qaba dhaawacyada daran ee u baahan iney helaan Caafimaad dibadda ah, waxaana hadalka wasiirka uu imaanaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu dalbaday in gurmad deg deg ah loo sameeyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Shalay oo  la xaqiijiyay iney ku dhinteen 100 ruux ayna ku dhaawacmeen 300 oo kale.