Sabti, October, 29, 2022 (HOL) - Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo katirsanaa weriyayaasha magaalada Muqdisho iyo taliyihii saldhigga degmada Hodan Xuseen Cadceed ayaa la xaqiijiyay inay kamid yihiin dad ku geeriyooday qaraxyo maanta lagu weeraray xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
newsinsideWeriye Maxamed Siciid Koonaa ayaa saacado ka hor geeridiisa tebinayay shirarka ka socda magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay weriye Cabdiqaadir Ok oo katirsan idaacadda VOA Somali iyo dad kale oo aan xogtooda weli la shaacin.
Khasaaraha dhimashada ayaa si kordhaya, iyadoo ay jiraan dad badan oo isugu jira shacab, askar iyo masuuliyiin dowladdeed oo ku geeriyooday qaraxyadan, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli maanta wasaaradaha arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay soo saareen fadwo lagu taageeray dagaalka Alshabaab.