4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 29, 2022
Dowladda Soomaaliya oo wadamada Carabta u gudbisay codsi ku aadan inay deymaha ka cafiyaan
 

Sabti, October, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay wadamada Carabta in ay Soomaaliya ka dhaafaan deymaha lagu leeyahay, isagoona carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin dhowr ah oo gaaray heerkii masiibo, gaar ahaan abaaraha iyo cunno yarida. iyo sidoo kale dagaalka ay hadda wadaan si ay uga hortagaan Alshabaab.

Wasiirka ayaa ka codsaday dalalka Carabta in ay taageeraan hay’adaha dowladda Soomaaliya, dib u dhiska iyo ka cafinta deymaha shisheeye ee Soomaaliya ay ku leeyihiin dalalka Carabta, iyadoo laga duulayo mas’uuliyadda wadajirka ah ee Carbeed ee ku aaddan taageeridda xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu xusay go’aankii Soomaaliya laga gaaray March 25, 2020, kaasoo u gogol xaarayey la macaamilka hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah (sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, iyo sidoo kale Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF) iyo sidii loo heli lahaa kheyraad cusub.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horey u sheegay in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii looga cafin lahaa deymaha, iyagoo ugu baaqay waddamada Carbeed inay gacan ka geystaan taageerada Soomaaliya si loo gaaro in si buuxda looga cafiyo deymaha Soomaliya.

Gaba gabadii, wasiirka maaliyadda ayaa mahadnaq iyo mahad celin u jeediyay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Aljeeriya soo dhawaynta, abaabulka iyo diyaargarowga ee ay u sameeyeen kulamadii diyaarinta ahaa ee shir madaxeedka wasiiradda maaliyadda jaamacadda Carabta.