4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 29, 2022
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Maanta gaaray degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan
 

Sabti, October, 29, 2022 (HOL) - Wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhaw oo Maanta ah gaaray degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga ee gaaray degmada Buulaburte waxaa ka mid ah Wasiiradda arrimaha gudaha, Qorshaynta, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga, wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle, Xildhibaano iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa ujeedka safarkooda ee  magaalada Buulaburte ku qotama u kuur galida xaaladda guud ee dadka deegaanka iyo qiimeynta Buundada degmadaasi oo ay dhawaan qarxiyeen Al-shabaab.

Waxaa lagu wada in saacadaha soo socda wafdigaan ay kulamo kala duwan la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada degmada iyo waliba saraakiisha kala duwan ee dhanka amniga iyo maamulka degmada Buulaburte oo ay kala hadli doonaan xaalada guud ee degmada iyo sida wax looga qaban karo Buundada magaalada Buulaburte oo muhiim u ah isku socodka gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalka.