4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 28, 2022
Booliiska Soomaaliya oo xiray eedeysanayaal loo haysto dilka gabar 7 sano jir ah
 

Jimco, October, 28, 2022 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacan ku dhigeen eedeysanayaal loo haysto inay ka dambeeyeen dil degmada Kaaraan loogu geystay gabar yar oo 7 jir ahayd.

Booliiska ayaa sheegay in gabadha yar muddo lagula kacayay xad gudubyo jir dil ah, iyagoo sheegay inay ka shaqeynaysay guriga eedeysanayaasha.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, gaashaanle Saddiiq Aadan Doodishe, oo la hadlay BBC Somaali, ayaa sheegay in booliisku gacanta kusoo dhigay haweeneyda eedeysanaha koowaad ka ah kiiskaan, taasoo loo haysto inay gacanteeda ku dishay gabadha yar.

Afhayeenka wuxuu sheegay inay haweeneyda eedeysanaha muddo labo sano ah ku shaqeysanaysay gabadha yar. Wuxuu kaloo sheegay in lasoo xiray seygeeda oo loo haysto inuu wax ka og yahay kiiskan.

Maalmo kahor ayay ahayd markii baraha bulshada ee internetka ay kasoo muuqatay haweeney booliiska soo qabtay oo qiranaysay inay dishay gabadhan.

Waxay sheegtay inay madaxa darbiga ugu garaacday, iyadoo caraysay.

Kiisaska ka dhanka ah carruurta ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho. Dhawaan ayay ahayd markii Booliiska ay soo xireen haweeney tacaddi kula kacaysay gabadh yar oo u shaqeynaysay.