4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 28, 2022
MSF oo ka digtay in jadeecada iyo daacuunka ay ka dilaacaan xerada qaxootiga ee Dhadhaab
 

Jimco, October, 28, 2022 (HOL) - Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa soo saartay warbixin ay kaga digayso halista cudurada jadeecada iyo daacuun caloolaha ee ka dilaaca xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ay Soomaalidu degan tahay.

MSF waxa ay tilmaantay in daryeel xumida iyo ka warqab la’aanta dadka ay keeni karto in cudurka uu dilaaco ayna adkaan doonto sidii loo soo afjari lahaa hadii aan hadda laga hortagin oo aan la samaynin olole wacyigelin ah.

Hadalka MSF ayaa lagu muujiyay sida ay xaaladdu uga sii dari karto iyadoo dhawaan xeryaha ay ku biireen qaxooti badan oo ka soo barakacay abaaraha iyo colaadaha Soomaaliya.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) ayaa baaqooda si gaar ah u dirtay cid kasta oo ka qayb qaadan karta baadigoobka qaxootiga si looga hortago khatarta cudurada oo noqon kara masiibo ku dhacda nolosha dad badan.

In ka badan 233,000 oo Qaxooti ah ayaa ku nool saddex xero qaxooti oo ku yaalla dhul ballaaran, kuwaasi oo dhamaantood ka fakaraya sidii ay u heli lahaayeen Cunto, Biyo, Caafimaad, waxayna qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan goobihii ay markii hore ka tageen.