4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 28, 2022
Raysal wasaare Xamse oo amray wasiiradda iyo shaqaalaha dowladda in qeyb kamid ah mushaarkooda uga qeyb qaataan xoraynta dalka
 

Jimco, October, 28, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa faray wasiirka maaliyadda in 20% laga jaro mushaarka golaha wasiiradda Soomaaliya muddo 3 bilood ah si loogu isticmaalo dagaalka socda ee lagula jiro Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ee joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahaynba laga jaro 5% mushaarkooda ama gunnadooda.

Raysal wasaare Xame ayaa sheegay in dhaqaalahan loo sameyndoono akoon gooni ah oo loogu talo galay taageerada howgallada dib u xoraynta dalka.

Go’aanka raysal wasaaraha ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay beesha caalamka ka dalbatay in laga taageero dagaalka ay kula jirto Alshabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa maalin ka hor ballanqaaday inay Soomaaliya ka caawinayso dagaalka hadda ay kula jirto Alshabaab. Maraykanku wuxuu horey ciidamada Soomaaliya uga caawinayay weerarrada dhinaca cirka.