4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 28, 2022
Raysal wasaare Xamse iyo madaxweyne Deni oo Muqdisho ku kulmay
 

Jimco, October, 28, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulankii ugu horreeyay la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga ee dalka iyo gurmadka loogu jiro xal u helidda abaaraha sababay barakaca malaayiin ruux.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur.

Deni iyo Xamse ayaa kawada qeyb galaya shirka wadatashiga qaran ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedka, kaasoo ka socoda magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, raysal wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu dhawaan safarkiisii ugu horreeyay uu ku tago Puntland.  

Xamse ayaa doonaya inuu aad isugusoo dhoweeyo Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya, xilli maamulka Puntland uu qabo tabashooyin ay kamid yihiin qeybsiga kaalmada caalamka iyo kheyraadka dalka.