4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 28, 2022
Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka ka codsatay inuu dabciyo xannibaada duqeymaha ka dhanka ah Alshabaab

Jimco, October, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qiimaynaya codsi uga yimid Soomaaliya oo ah in Maraykanku uu dabciyo xannibaadaha uu saarayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Codsigan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku jirto duulaan ka dhan ah Al Shabaab, duullaankaas oo Alshabaab looga saaray deegaanno ay toban sano ka badan xukumayeen.

Madaxweyne Biden waxa uu horey 450 askari oo Maraykan ah dib ugu soo daad gureeyay Soomaaliya, taas oo meesha ka saartay ka bixitaanka degdega ah ee Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald J. Trump bishii January 2021.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Soomaaliya waxa ay uga baahan tahay ciidamada Maraykanka si ay awood ugu yeeshaan in ay weeraraan Al-Shabaab kuwaas oo ay suurta gal tahay in ay khatar ku yihiin howlgallada dalka ka socda.

Koongarayska Maraykanka ayaa horey u soo saaray sharciyo xakamaynaya duqeymaya Maraykanka uu ka geysto Soomaaliya, kadib markii hay'adaha u dooda xuquuqul insaanka ay walaac ka muujiyeen khasaaraha rayidka soo gaara.