4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 27, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo furay shirka Madasha Wadatashiga dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Khamiis, October, 27, 2022 (HOL) - Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka qeyb galay shirkan.

Ololaha milatari iyo kacdoonka dadweynaha ee ka dhanka ah Al-Shabab iyo xaaladda bini'aadantinimo ee hadda taagan, ayaa ka mid ah ajandayaasha ugu sarreeya ee shirkaan looga arrinsandoono.

Waxaa la filayaa inuu shirkan soo gabagaboobo maalinta berrito ah lagana soo saaro war murtiyeed.

Waa shirkii saddexaad ee watashiga qaran ee ay yeeshaan dowlad federalka iyo dowlad goboleedyada tan iyo may 2022.

Dhinaca kale, weli dowladda iyo dowlad goboleedyada ma qabaan aragti loo dhan yahay oo wada shaqayn ah. Shantii bilood ee madaxweyne Xasan Sheikh ay jirtay dowladdiisa dhowr mar ayay dowlad goboleedyadu iska hor yimaadeen.

Waxyaabaha ugu badan ee khilaafku ka taagan yahay waa kaalmada caalamka iyo qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah.