4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 27, 2022
Shirka wadatashiga dowlad federalka iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmaya
 

Khamiis, October, 27, 2022 (HOL) - Madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka madasha wadatashiga qaran.

Shirkaan oo daba socda shirkii bishii september ay yeesheen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa looga arrinsanayaa arrimaha hortebinta u leh dowlad dhiska, iyo wixii ka qabsoomay qodobadii kasoo baxay shirkii hore.

Arrimaha aadka isha loogu hayo shirkaan, waxaa kamid ah heshiiskii shidaalka ee dhowaan dowladda federalka saxiixday, kaasoo dowladdii hore ee Soomaaliya ay laashay, kuna tilmaamtay sharci darro.

Qaar kamid ah dowlad goboleed ayaa ka hor yimid heshiiskan, kaasoo laga yaabo inuu khilaaf cusub ka dhex abuuro dowlad Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, xilli uu dalku ku jiro xaalad abaareed iyo  duullaanka ka dhanka ah Alshabaab.