4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Mid kamid ah salaadiinta Somaliland oo ku geeriyooday shil baabuur
 

Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Suldaan Axmed Xuseen Buraale, oo kamid ahaa salaadiinta Somaliland ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay duleedka magaalada Burco.

Suldaanka oo qayb ka ahaa shir magaalada Burco uga socda qaar kamid ah beelaha Somaliland, ayuu baabuur uu la socoday qalibmay xili uu magaalada uga soo baxay si uu usoo dhaweeyo salaadiin kale oo Hargaysa ka tagay, oo shirka lagu casuumay.

Suldaan Buraale ayaa koomo galay markii uu shilku dhacay, iyadoo uu muddo kadib u geeriyooday dhaawacyo culus oo shilka kasoo gaadhay, suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed iyo salaadiin kale ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada suldaan Buraale.

Suldaan Buraale ayaa ka qaybgalayay shir la magacbaxay Dal-wanaaje oo qaar kamid ah beelaha Somaliland uga socda magaalada Burco.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]