4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Dad ka caraysan dilka Xildhibaanad Juweeriya Subcis oo isu soo bax ka sameeyay magaalada Jigjiga
 

Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Banaanbaxyo waawayn oo looga soo horjeedo dilka xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa maanta ka dhacay magaalada Jigjiga, gaar ahaan xaafadda ay deggnayd xildhibaannada geeriyootay.

Dadka banaanbaxa samaynayay ayaa ka careysnaa dilka badheedhka ah ee loogaystay Xildhibaanad Juweeriya Subcis, dadku waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid ahaayeen " Juweeriya waa inay cadaalad hesho, lama aasayo ilaa ninkii dilay Juweeriya cadaaladda la marsiinyo".

Hay'adaha amniga ee Jigjiga ayaa soo buux dhaafiyay xaafadda ay degganayd marxuumad Juwewriya, sidoo kale waxay Ciidamada amnigu ay kala eryeen dadkii isku soo baxay, si loo sugo amniga goobta uu maydku yaallay.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay aad uga xun yihiin dilka loogaystay Xildhibaanad Juweeriya oo Askari Federal Boolis ah uu maalintii shalay ahayd rasaas ku furay xilli ay xildhibaanadu ku sugnayd gudaha garoonka diyaaradaha ee Jigjiga.

Wasiirku waxa kale oo sheegay in dadku ay u madax banaan yihiin in dareenkooda ay ku cabbiraan sida ay uga xun yihiin dilka badheedhka ahaa ee loogaystay xildhibaanad Juweeyriya Subcis, balse la diidan yahay in buuq badan uu ka dhasho banaanbaxan oo ay dhobaato kale ka dhalato isu soo baxan.

Wasiirka Warfaafintu waxa kale oo ka dhawaajiyay in wali baadhistu socoto, taasna ay keentay in Aaska Marxuumad Juweeriya uu dib u dhaco, wakhtiga la aasayana ay noqonayso wakhtiga u horreeya ee baadgistu soo dhammaato.

Dhinaca kale wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Askarigii dilka u gaystay Juweeriya Subcis in maanta la geeyay Maxkamad, si su aalo dheeri ah loowaydiiyo.

Warar kale oo imika aan helaynana waxay tibaaxayaan in Meydkii Marxuumad Juweeriya laga qaaday xaafaddii uu yaalay si loo aaso.

Xildhibaanad Juweeriya ayaa shalay saacadahanoo kale geeriyootay kaddib markii iyadoo joogta garoonka diyaaradaha ee Jigjiga uu Askari kamid ahaa ilaalada garoonka uu rasaas ku furay dad ay kamid ahayd xildhibaanad Juweeriya.