4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Alshabaab oo burburiyay ceelashii iyo dhismayaashii deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud


Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Ururka Al-Shabaab ayaa burburiyay dhismayaal isgaarsiineed iyo ceelal riig ah oo ku yaallay magaalada Qaayib ee gobolka Galguduud.

Alshabaab ayaa burburintan sameeyay maalin ka hor inta aysan ka bixin magaalada Qaayib, halkaas oo ay ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen gacan ku heynteeda.

Sawirro lagasoo qaaday ayaa muujinaya burburka baaxada leh ee Alshabaab ay ka geysteen Qaayib oo 30km dhinaca koonfur galbeed uga beegan  degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Sannadkii 2015 ayay Alshabaab deegaankan kala wareegeen ciidamada Galmudug. Waana deegaan muhiim u ahaa Alshabaab, waxaana ku oolli jirtay maxkamad Alshabaab ay dadka ku xukumi jireen.

Waxaa sidoo kale loo arki jiray deegaan ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geysteen deegaannada Galgaduud iyo Mudug.

Kacdoonka hadda lagaga soo horjeedo Alshabaab ayaa ka dhashay kadib markii ay burburiyeen ceelasha biyaha oo ay gubeen tuulooyinka.