4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay dagalamayaal katirsan Daacish
 

Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labo nin oo katirsan ururka Daacish.

Aadan Cali Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax, ayaa dhowr bilood ka hor lagu riday xukunno dil ah kadib markii lagu helay inay falal dil ah ka geysteen magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.

Labadan nin ayaa ka tirsanaa waaxda amniyaadka ee Daacish. Mid kamid ah ayaa 2019 gacanta lagu dhigay isagoo doonayay inuu ciidamada iska caabiyo.

Sidoo kale labadan nin waxay kasoo dagaalameen buuraha gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhigyo qarsoodi ah ku leeyihiin ururka Daacish.

Waa xukunkii labaad oo dil ah oo lagu fuliyo 72 saac gudaheed rag katirsan Alshabaab iyo Daacish, arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan isbeddel lagu sameeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

S/Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa dib loogu magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kadib soo jeedin katimid wasiirka gaashaandhigga.