4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2022
Madaxweyne Mustafe " Askariga dilka gaystay waxaa la marin doonaa ciqaabta uu mutaysto"
 

Arbaco, October, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay waxa uu kaga hadlay dhacdadadii shalay ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ee dilka loogu gaystay gabadh kamid ahayd xildhibaannada degaanka Soomaalida.

Ugu horreyn waxa uu Madaxweynuhu ka tacsiyadeeyay dilka loogaystay Marxuumad Xildhibaanad Juweeriya Subcis, isagoo yiri " Waxaan shacabka Deegaanka la qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsiyaha dilka foosha xun ee ay nafteeda ku wayday Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka".

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in la samaynayo guddi loo xilsaaray Aaska Marxuumad Juweyriya, inkastoo uusan magac qaadin gudiddaas xilliga ay bilaabayaan qabanqaabada Aaska.

Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in gacanta lagu hayo Askarigii dilka gaystay uuna mutaysan doono ciqaabta ku haboon, isagoo yiri " Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay".

Ugu dambayn waxa uu xusay Madaxweynuhu in laga tashan doono sidii mar dambe meel sidan oo kale ah uusan uga dhaceen falal noocanoo kale ah.

Galinkii dambe ee shalay ayaa iska hor imaad ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga waxaa ku geeriyootay gabadh kamid ahayd xildhibaannada degaanka Soomaalida, kaddib markii Askari kamid ahaa ilaalada garoonka uu rasaas ku furay rakaabkii ku sugnaa gudaha garoonka oo ay ku jirtay xildhibaannada geeriyootay.

Garoomada diyaaradaha ee dowlad degaanka Soomaalida iyo guud ahaan dalka Itoobiya ayaa waxaa ilaalo ka ah Ciidamada Federal Booliska ee Itoobiya, maadaama garoomadu ay yihiin kuwa maamul ahaan u hoos taga dowladda dhexe ee Itoobiya.