4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 25, 2022
Iska hor imaad ka dhex dhacay garoonka diyaaradaha ee Jigjiga oo sababay geerida xildhibaanad Juweeriya Subcis
 

Talaado, October, 25, 2022 (HOL) - Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ayaa waxaa galinkii dambe ee maanta ka dhacday arrin aad u naxdin badnayd, kaddib markii Askari kamid ah ilaalada garoonka diyaarada ee Jigjiga uu rasaas ku furay dad shacab ahaa oo ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha.

Rasaastaas ayaa waxaa wax ku noqday dad shacab ah sidoo kale waxaa rasaastaa uu Askarigu dadka ku furay ku geeriyootay gabadh kamid ah xildhibaanada dowlad degaanka Soomaalida laguna magacaabi jiray Juweeriya Subcis.

Lama ogaan wali sababta rasmiga ah ee ka dambaysay in Askarigani uu dad shacab ahaa ku furo rasaasta, balse dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Askariga rasaasta furay ay iska hor yimaadeen Askari kale oo isla Federal Boolis ah, kaddibna labadii Askari ay is af dhaafeen kaddibna uu Askarigani isla rasaasta dadka ku furay uu toogtay Askarigii ay is af dhaafeen, kaddibna uu isla markiiba Askarigii uu rasaas oodda kaga qaaday dadkii garoonka ku sugnaa.

Sidoo kale waxaa isla rasaastaas ku dhaawacmay dad kale oo ilaa shan qof gaaraya, saddex kamid ah dadkaas ayaa waxaa lagu dabiibayaa oo xaaladooda lagula socdaa Isbitaalka weyn ee magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Masuuliyiinta u sarreysa Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa booqday dadkii dhaawaca ahaa ee la keenay Isbitaalka weyn ee Jigjiga.

Geestooda hay'adaha amniga ee Jigjiga ayaa sheegay in baadhis arrintan ku saabsan ay socoto, markay baadhistaasi dhammaatana bulshada lala wadaagi doono, waa siduu hadalka u dhigay Taliyaha Booliska degaanka Soomaalida Maxamed Xasan, waxa kale oo Boolisku xuseen in gacanta lagu soo dhigay Askarigii rasaasta dadka ku dilay oo ahaa Askari kamid ah Federal Booliska ku qoran ilaalada Garoonka diyaarada ee Jigjiga.

Xildhibaanadda geeriyootay ayaa in badan lagu yaqaanay howlaha gargaarka iyo Samafalka, waxaana geerideeda aad uga naxay shacabka degaanka Soomaalida.

Shacabka dowlad degaanka Soomaalida ayaa Xukuumadda ka arrimisa degaanka Soomaalida ka dalbaday in la caddeeyo sababta loo laayay dadka shacabka ee loo dilay xildhibaanad Juweeriya, iyagoo sidoo kale Xukuumadda ka codsaday in caddaaladda la marsiiyo Askarigii dilka iyo dhaawaca ka dhex gaystay gudaha garoonka diyaaradaha ee Jigjiga.