4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 25, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sagootisay danjire James Swan oo waajibaadkiisii diblumaasiyadeed uu dhamaaday
 

Talaado, October, 25, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay xarunta madaxtooyada wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku bogaadiyey danjire James Swan doorka uu ka qaatay taageerada Soomaaliya gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay inuu xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee caalamka, taas oo ku saleysan in danaha Soomaaliya lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale.

Danjire James Swan ayaa ka mahad celiyay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres ayaa bishii may ee sannakdii 2019 usoo magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Mr James Swan oo ah diblomaasi u dhashay Mareykanka ayaa lagu bedelay Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom, kaasoo horaantii 2019 ay dowladda Soomaaliya ka eriday dalka, kadib markii lagu eedeeyay inuu faro galiyay arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda wakiil rasmi ah usoo magacowda Soomaaliya.