4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 25, 2022
Dadka ku nool Mandheera oo loogu baaqay inay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa deegaankooda
 

Talaado, October, 25, 2022 (HOL) - Dadka ku nool Mandheera ayaa loogu baaqay inay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa deegaanka, iyadoo ay soo baxday in dagaalamayaasha Al-shabaab ay gabaad ka dhiganayaan gobolkaas kaddib markii lagu soo jebiyay howgallada ka socda qeybo kamid ah Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha beelaha iyo mas'uuliyiinta dowladda ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ku daydaan deriskooda Soomaaliya oo ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Baaqyadan ayaa bilaawday intii lagu guda jiray dabaaldega maalinta Mashujaa ee khamiisti la soo dhaafay iyadoo kooxda Alshabaab ay sabtidii weerar ku qaadday labo masaajid oo ku yaala magaalada Mandheera, waxaana ay halkaasi khudbado uga jeediyeen dadka deegaanka.

Maxamed Cabdinuur Geesse oo ka mid ah odayaasha beelaha ayaa ka codsaday dadka deegaanka in ay safka hore kaga jiraan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab iyagoo xogta la wadaagaya hay’adaha ammaanka.

"Dadka deriska nala ah waxay eryanayaan cadowgooda, kaasoo ku soo yaacay gobolkayaga. Waan ogahay in dawladeenu aad uga warqabto. Dawladdeenu ha feejignaato, kana hortagto isku-day kasta oo cadowgu ku doonayo inuu dalkeenna u soo galo,” ayuu yidhi Mr Geesse.