4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2022
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dabdamiska Somaliland oo ku dhintay dhaam biyood
 

Isniin, October, 24, 2022 (HOL) - Sarkaal  ka tirsan Ciidamada Dabdamiska Somaliland ee degmada Gabiley, ayaa geeriyooday kadib markii uu ku qarqoomay dhaam wayn oo dhawaan laga hirgaliyay duleedka magaalada Gabiley.

Caydaruus Sheekh Cumar Basiiri, oo ahaa sarkaal da'ayar, ayaa sida la sheegay galinkii danbe ee maanta, qaar kamid ah asxaabtiisa u raacay dhaamka si ay ugu soo dabaashaan, kadibna biyaha ayuu ku qar qoomay sida ay goob-joogayaal warbaahinta u sheegeen.

Basiiri ayaa sida la sheegay  isku dayay in uu bad baadiyo mid kamid ah asxaabtiisa oo biyuhu liqeen, kadibna markii uu soo saaray ayuu isagii qar qoomay.

Maydka sarkaalka ayaa wali ku jira biyaha dhaamka, iyadoo aan lagu guulaysan in biyaha laga soo saaro baaxada biyaha dhaamka ku jira awgood, waxa loo dalbaday dabaal yahano ka howlgala tuteelka Maansoor ee Berbera, si ay uga howlgalaan soo saarista maydka.

Dhaamkan oo xukuumada Somaliland dhawaan ka hirgalisay duleedka magaalada Gabiley, ayaa ah mid aad u baaxad wayn oo loogu talo galay in gobolkan beeralayda ahi uga faa'iidaysto waraabka beeraha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]