4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2022
Dowladda Soomaaliya oo warbixin rasmi ah kasoo saartay howlgalladii ka socday Masaajid Cali Gaduud

Isniin, October, 24, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbixinta buuxda kasoo saartay dagaaladdii ka socday gobolka Shabeeladda dhexe, waxayna sheegtay in ciidamada qalabka iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya saaxiibada caalmiga ah ay laayeen horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab.

Dowladdu waxay sheegtay in howgalladan lagu burburiyay gaadiid Alshabaab u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.

Hawlgalladan ayaa ka dhacay deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hawlgalka koowaad waxay dowladdu sheegtay in la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo dagaalamayaal katirsan Alshabaab, sida ay dowladda sheegtayna waxaa lagu dilay 21 Alshabaab ah oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka labaad, waxay dowladdu sheegtay inuu dhacay shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid CaliGaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan Alshabaab, iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxafadeedka :-