4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2022
Dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF oo lagu wado in maanta uu Wada hadal uga furmo dalka Koonfur Afrika
 

Isniin, October, 24, 2022 (HOL) - Ergo ka kala socda Dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa maanta iska xaadiriyay dalka Koonfur Afrika, si ay uga qayb galaan kulanka xalka loogu raadinayo ee labada dhinac ku dhex maraya Koonfur Afrika.

Wada xaajoodkan oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika ayaa waxaa shirkan hoggaaminaya hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo ah Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Olusegun Obasanjo, sidoo kale waxaa hawshan xallinta ah ka qayb qaadanaya Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuro Kenyatta.

Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa hadda u muuqda kuwo diyaar u ah in nabad waarta laga gaaro colaadda Waqooyiga Itoobiya oo muddo badan dagaalku socday.

Wada hadalladan lagu wado inay maanta furmaan ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Itoobiya iyo xulafadooda Eritariya ay sheegeen inay hormar ka gaareen dagaalkan, iyagoo xusay in magaalooyin waawayn oo muhiim ah ay ka qabsadeen TPLF, kuwaas oo TPLF dhankeeda ay ka caddaysay in laga qabsaday.

Geestooda TPLF waxay ku doodaysaa in ugu horreyn ay Ciidamada Eritariyaanku oo dagaalkan qayb ka ah ay ka baxaan dhulka Tigray, sidoo kalena gargaarka bani adanimo la gaarsiiyo guud ahaan gobolka Tigray.

Waa markii u horreeyay ee kulan noocan oo kale ah ay isugu yimaadaan Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, inkastoo iskudayo hore ay baaqdeen haddana markan rajo ayaa laga qabaa in xal loo helo arrinta Waqooyiga Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa socday muddo labo sano ah, waxaana dagaalkaasi ku waxyeeloobay dad aad u badan, iyadoo gobolka Tigray oo ah halka uu dagaalku ka billowday uu noqday meel ay ka jirto macluul middii ugu darnayd, iyadoo guud ahaan gobolkana go'doon la galiyay oo Isgaarsiintii iyo Korontadii laga jaray.