4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2022
Maraykanka: Taageerada aan siino Soomaaliya waxba uma dhimi doonaan rabshadaha xagjirka ah ee Alshabaab
 

Isniin, October, 24, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shacabka & dowladda Soomaaliya, iyadoo cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Maraykanku wuxuu sheegay taageeradiisa Soomaaliya inay sii socondoonto islamarkaana aysan wax u dhimidoonin rabshadaha xagjirka ah ee Alshabaab.

Shalay ayay ahayd markii Alshabaab ay weerareen hotel kuyaala Kismaayo, halkaas oo ay ku dileen 9 qof oo isugu jiray shacab iyo askar katirsan ilaalada hotelka Tawakal.

Ciidamada amniga Jubbaland ayaa saacado kadib soo afjaray saddex nin oo dabley ah oo gudaha u galay hotelka, kuwaas oo isku dayay inay laayaan dadka hotelka ku jiray.

Weerarka Alshabaab ayaa kusoo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya iyo xaq udirirka deegaanka oo taageero militari ka helaya dowladda Maraykanka ay dagaal ka dhan ah Alshabaab ka wadaan gobolada dhexe.