4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2022
Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay labo nin oo katirsan Alshabaab
 

Isniin, October, 24, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah waxay ku fulisay labo nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo dil ka geysan jiray magaalada Muqdisho.

Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Cumar ayay ciidamada gacanta kusoo dhigeen sannadkii 2019, kadib iyagoo isku dayayay inay dilaan haweeney Qaadka ka ganacsan jirnay.

Labadan nin oo ahaa dhallinyaro ayaa ka tirsanaa shabakad madax jebis ah oo uu horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Ilkacase, oo lagu naaneeysi jiray macalinkii dillaaga ahaa, kaasoo dil lagu fuliyay sannadkii hore.

Xukunka dilka ah ayaa ka dhacay iskool boolisiya, halkaas oo xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ka sheegay dambiyada ay galeen raggaan iyo go'aanka maxkamadda kasoo baxay.

Waa xukunkii labaad oo qisaas ah oo ay dowladda Soomaaliya fuliso maalmo gudaheed. saddex maalin ka hor dowlada ayaa xukun dil ah ku fulisay askarigii dilay wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya, Cabaas Siraaji.