4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2022
Maamulka jubbaland oo soo bandhigay khasaaraha ka dhashay weerarkii hotel Tawakal
 

Axad, October, 23, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 9 qof ayaa ku geeriyooday, 47 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Wasiirka amniga Jubbaland S/gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa sheegay in ciidamada amniga Jubbaland ay ka hor tageen inuu khasaaraha intaas kasii bato, isagoo sheegay in saacado kooban gudaheed ay kusoo afjareen saddex nin oo hubaysan oo gudaha u galay hotelka.

Wasiirka amniga Jubbaland wuxuu sheegay khasaaraha ugu badan inuu ka dhashay qaraxa koowaad oo ahaa qof ismiidaamiyay, kaasoo uu sheegay inay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah oo u badan arday hotelka ag-maraysay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay weerarka hotel Tawakal. Axmed Madoobe wuxuu sheegay, Alshabaab inay doonaysay inay weerarka ku laayaan dad badan oo shacab ah. Balse wuxuu sheegay in badi dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo badbaadiyeen Ciidamada.

Alshabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxay sheegeen inay hotelka ku beegsadeen saraakiil katirsan maamulka Jubbaland.