4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2022
Dowladda Soomaaliya oo magacaawday guddi ka shaqeynaya dib u howlgalinta Shirkadda Somali Airlines
 

Axad, October, 23, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Maanta magacaawday guddi ka shaqeynaya dib u howl galinta Shirkaddii diyaaradda Somali Airlines.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu magacaabay guddigaan oo ka kooban 7 xubnood oo Guddoomiye looga dhigay Cali Gacal Caddow, waxaana magacaabista guddigaan ayaa ku timid sida lagu caddeeyay wareegtada, kadib latashiyo badan oo ay sameeysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo ugu dambeyn lagu go’aamiyey dib u howlgelinta Shirkaddii Somali Airlines.

Sikastaba ha ahaatee dib u howlgalinta Shirkadda Soomaali Airlines ayaa ah mid shacabka Soomaaliyeed uga dhigan guul wayn, iyadoona 30 kii sanno ee ugu dambaysay ay hawlgab ahayd shaqadii Shirkadda diyaaradda Somali Airlines.

Hoos ka Akhriso wareegtada lagu magacaabay guddiga:-