4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2022
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo deeq kala duwan ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan


Axad, October, 23, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Shabeelle oo ay wehelinayaan masuuliyiinta u sarreysa Ciidanka Liyuu Booliska ayaa deeq kala duwan ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Deeqdan oo isugu jirtay Gaadiid, Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo daawooyin ayaa waxaa ku maamulka gobolka Hiiraan ku wareejiyay Guddoomiyaha gobolka Shabeelle Aadan Axmed Sooyaan.

Geestiisa Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa deeqdan uga mahad celiyay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida, oo mar walba diyaar u ah garab istaagga walaalahood gobolka Hiiraan, oo dagaal kula jira kooxda Al Shabaab.

Deeqdani ayaa noqonaysa tii labaad ee nooceeda ah ee dowlad degaanka Soomaalidu ku wareejiyo maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo hadda ka hor deeq noocan oo kale ah lagu wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa uu inta badan maamulka gobolkaas iyo shacabkuba dagaal kula jiraan Kooxda Al Shabaab, waxaana la filayaa in deeqahan uga imanaya dhinaca dowlad degaanka Soomaalida ay wax wayn ka qabato howlgallada ka soconaya gobolka Hiiraan ee la dagaallanka kooxda Al Shabaab.