4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu qaaday Hoteel Tawakal ee magaalada Kismaayo
 

Axad, October, 23, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar qarax Ismiidaamin ah ku bilaawday oo lagu qaaday hoteel Tawakal oo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka qaraxa xigay dagaal toos ah oo dabley hubeysan  gudaha ugu galeen hoteel Tawakal.

Gudaha hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya dagaal u dhaxeeya ciidamada amaanka magaalada Kismaayo iyo ragga hubeysan ee weerarka qaraxa kadib gudaha u galay hoteelka, waxaana lasoo warinaya in qaraxa iyo weeraraka isdaba socda ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ee dhimashada, waxaasa jira dad gaaraya 15 ruux oo la geeyay Isbitaalada magaalada Kismaayo.

Hoteel Tawakal ayaa  ka mid ah hoteelada caanka ah ee ku yaala magaalada Kismaayo, islamarkaana amaankooda sida weyn loo ilaaliyo, wuxuuna u dhow yahay hotelka lagu magacaabo Cascaseey oo isna sidaan oo kale la weeraray sanadkii 2019-kii, waxaana weerarkaas ku dhintay dad badan oo isugu jiray shacab iyo masuuliyiin ka tirsanaa maamulka Jubbaland.

Ururka Al- Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka qaraxa ku bilaawday ee wali ka socdo gudaha hotelka Tawakal ee magaalada kismaayo, waxayna sheegtay inay gudaha hotelka ka wado toogasho toos ah.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan