4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2022
Alshabaab oo weerar culus ku qaaday hotel kuyaalla magaalada Kismaayo
 

Axad, October, 23, 2022 (HOL) - Weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Weerarka kadib dabley hubaysan oo katirsan Alshabaab ayaa billaabay inay gudaha u galaan hotelka, iyagoo adeegsanaya rasaas.

Iska horimaad ayaa hadda ka socda hotelka gudihiisa. Ciidamada ammaanka ayaa isku dayaya inay ka hortaagan in Alshabaab la wareegaan hotelka, halkaas oo ay dad badan ku go'doonsan yihiin.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxa hore ayaa la geeyay isbitaalada Kismaayo. Lama hubo tirada saxda ee khasaaraha hotelka.

Hotelka  weerarka lala beegsaday oo lagu magacaabo Tawakal kana mid ah hotelada qadiimiga ah ayaa  ku yaala waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo.

Warar ayaa sheegaya in xilliga weerarku dhacayay uu hotelka ka socday kulan lagu taageerayay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.