4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2022
Ciidamada dowladda oo ku qabtay duuleedka magaalada Baledweyne qaraxyo lagu soo raray gaari Dameer

Axad, October, 23, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Xalay duuleedka magaalada gacanta ku qabteen Gaari dameer lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Gaari dameerka lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in ujeedka bartilmaameedkiisu ahaa fariisin ciidamada dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Baardheere oo qiyaasti dhinaca Konfureed kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 20 KM.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan Baarhdeere ayaa warbaahinta  sheegay iney hayeen xogta gaari dameerka qaraxyada waday taasoo uu tilmaamay in ciidanka ay u sahashay iney fashiliyaan gaariga qaraxyada waday.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in dagaal kooban uu dhexmaray ciidanka dowladda iyo xubna ka mid ah shabaab oo la sheegay iney la socdeen gaari dameerka laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, hayeshee lama soo sheegin wax khasaaraha ah oo kala gaaray labada dhinac.

Ciidamadda dowladda ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa ah kuwa si aad ah uga feejigan falalka la xariira qaraxyada ay Al-shabaab la damacsan yihiin gudaha magaalada Baledweyne, waxii ka dambeeyay markii sadaxdii bishaan Oktoobar ay sadax qarax oo Ismiidaamin ah Sbabaab ka fuliyeen bartamaha magaalada Baledweyne, qaraxyadaas oo geystay khasaare baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal.